Basaas ku xiran dalka Ruusha oo xaaladdiisa Nololeed laga dayrinayo

Paul Whelan oo lagu helay dambi ah inuu yahay basaas Mareykan ah ayaa isku diyaarinaya inuu ciida masiixiga ku qaato xero shaqaale oo Ruush ah, iyadoo wadahadalladii looga hadli lahaa siideyntiisa ay hakad galeen.

Wareysigiisii ugu horreeyay oo faahfaahsan tan iyo markii la xidhay, Mr Whelan wuxuu ku tilmaamay nolosha lagu xidhay in lala xidhay gacankudhiiglayaasha iyo tuugo ay tahay “mid aad u xun” wuxuuna ugu yeedhay mas’uuliyiinta dowladdiisa in ay wax badan ka qabtaan sidii loo soo deyn lahaa.

Ninkan oo ka tirsanaa ciidankii hore ee badda ee Maraykanka wuxuu markasta ku adkeysanayaa inuusan wax dambi ah lahayn, isagoo isku sifeeyay inuu yahay la hayste siyaasada Ruushka ah iyo maxkamadeyn “been abuur” ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media