Dhageyso: Degmooyinka Hodan iyo Kaxda Oo Ku Baratamay Tartan Aqooneedka Radio Dalsan Wareegiisa Labaad

Degmadda Hodan ee gobolka Banadir ayaa xaqiiqsatay in ay usoo gudubtay wareega seddaxaad ee tartan aqooneedka radio dalsan kadib markii caawa ay garaaceen tartamayaasha degmadda Kaxda.

Degmadda Kaxda oo caawa laga adkaaday ayaa keensatay 11-dhibcood halka degmadda Hodan oo iyagu guusha raacday ay keensadeen 13-dhibcood.

Habeen Dambe waxaa baratamaya degmooyinka Waaberi iyo Aadanyabaal oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.