Dhageyso:-Aabe iyo Wiilkiisa oo ku waxyeeloobay qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo Caawa ka dhacay Magalada Muqdisho kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Ex-koontorool Afgooye iyo Haantdheer agar ahaan agagaarka Jaamacadda Gahetr,waxaan khasaaraha ugu badan qaraxaas uu kazoo gaarey dad Shacab ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in qaraxaas ay ku waxyeeloobeen 3 Ruux oo Shacab ah halka laba Askari oo kale ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah dadka ka ganacsada Geella oo lagu Magacaabo Ciise ku tuurte,uu ku geeriyooday wiilkiisa,halka laba ruux oo kale ay ku dhaawacmen.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga mid ka mid ah dadka deegaanka.