Faafinta Rasmiga ee Dowladda Turkiga ayaa lagu shaaciyey inay Xildhibaanadda Barlamaanka ansixiyeen Mooshin waqtiga loogu kordhiyey Ciiddanka Badda ee Turkiga ee qeybta ka ah Hawlgalka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.
Xilli kordhinta loo sameeyey Ciiddankaasi ayaa ah muddo hal sanno ah oo ka bilaabantay bishan February 10-da ee sannadka 2016-ka, waxayna Ciiddanka Badda ee Turkiga maraakiib dagaal ku biiriyeen Hawlgalkaasi sannadkii 2009-kii.
Sidoo kale, Turkiga waxay kaloo qaaraan dhaqaaqle ku bixiyeen Djsimihii Kooxda Isku-xirka ee Burcad-baddeeda ku sugan meelaha ka baxsan Xeebta Somalia “The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS).â€
Ciiddanka Badda Turkigha ee jooga Badda Somalia waxawa waajibkooda ka mid ah Hawlaha Ilaaladda iyo Sirdoonka, ka-hortaga dhaca hubeysan, gelbinta iyo badbaadinta Maraakiibta Ganacsiga, Taageerida Maraakiibta Ganacsiga ee ay Burcad-baddeeda sii weeraraan iyo Dhac-baddeedka.
©Radio Dalsan