Barlamaanka dalka Hungary oo ansixiyey in Qaxootiga Magangelyo-doonka lagu hayo Xerooyin Kontaynaro ah.

Sharcigan Cusub ayaa dhigayo in Qaxootiga Magangelyo-doonka ee ee soo gala dalkaasi ama kuwa horey ugu sugnaa la xirayo ama loo gudbin doono Xero laga dhisay Kontaynar oo ku yaalla Xuduudka Koonfureed.

Bilowga sannadkan, Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Viktor Orban ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo looga hortegayo Weeraradda Argagixisadda ee ka dhaca Qaaradda Europe.

Dhinaca kale, Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR waxay si kulul u cambaareeyeen Tallaabadda Dowladda Hungary ku xirayso Qaxootiga.
War-qoraal oo ka soo baxay UNHCR ayaa lagu sheegay inay arrintaasi ka hor imanaayso Sharuucda Caalamiga iyo Sharciga Midowga Europe.


©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media