Mudanayaasha Barlamaanka Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Kulan ku yeeshay magaalladda Qaahira, oo ay kaga wada hadleen Xaalladda Somalia.
Barlamaanka Carabta waxay Kulankaasi ka soo saareen qoddobo muhiim ah oo ku aadan Nabadda iyo Midnimadda Somalia, waxayna ku baaqeen in la ilaaliyo Midnimadda Qaranka iyo in laga hortago xadgudub kasta oo lagu sameeyo xuduudka Badda iyo Berriga Somalia.
Bayaanka ka soo baxay Jaamacadda Carabta waxay kala yihiin:-
- In laga hortago kala qeybsanaanta ka dhex jirta Soomaalida.
- In laga shaqeeyo Midnimadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
- In la qabanqaabiyo Dib-u-heeshiisiin la isugu soo dhaweynayo Ummadda Soomaaliyeed.
- In lala dagaalamo Kooxaha Argagixisadda iyo kuwa kale ee ka soo horjedda Midnimadda iyo Danaha Qaranka.
- In laga hortago xadgudub kasta oo lagu sameeyo xuduudka Badda iyo Berriga Somalia.
- In laga hortago Faragelin kasta oo lagu sameeyo Madax-bannaanida Soomaaliya.
Barlaamaanka Carabta waxaa xubno ka ah 22-ka Dowladood ee ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta, oo ay Somalia ka mid tahay.
©Radio Dalsan  Â