Guddoomiyaha Barlamaanka Dowladaha Carabta, Ahmed Bin Mohamed Al-jarwaan ayaa hadalkaasi ku sheegay Xiritaanka Shirkii Xildhibaanadda Barlamaanadda Carabta oo lagu soo gebagebeeyey Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.
Bayaanka laga soo saaray Shirkaasi waxaa loogu baaqay Beesha Caalamka inay Somalia ka taageeraan dhinaca Ammaanka, Siyaasadda, Garsoorka , lana horumariyo Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia.
Bayaanka waxaa kaloo lagu soo hadal-qaaday Doorashooyinka ka dhici doona Somalia, waxayna Barlamaanadda Carabta ku baaqeen inay Doorashooyinkaasi ku dhacaan si Xaq iyo Hufnaan ah, lagana joojiyo Faragelinta iyo Dib-u-dhaca ku yimaada Jadwalka Doorashooyinka.
Bayaanka waxaa lagu sheegay inay Doorashooyinka yihiin Tijaabooyin Siyaasadeed, loona bahaan yahay inay ku dhacaan si Dimuqraadi iyo Hufnaan leh.
Dhinaca kale, Barlamaanka Carabta waxay taageereen Midnimadda iyo Xuduudaha Qaranka Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in laga hortago Maraakiibka suntan Kiimikadda ku daadiya Badda Somalia iyo kuwa sida sharci-darradda uga kalluumeysta Badda Somalia,.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia ayaa ka qeyb galay Shirkaasi.
©Radio Dalsan