Baraawe: Muwaadin Maraykan ah oo ka tirsanaa Alshabaab oo isa soo dhiibay

Guddoomiyaha Degmadda Baraawe, Xuseen Barre Maxamed ayaa maanta Suxufiyiinta u sheegay inuu isku soo dhiibay Muwaadin Maraykan ah, kaasi oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab.

“Waxaan qabanay Ninkaasi oo midabkiisu cad yahay, oo gar weyn leh, markii aan Wareysi la yeelanay waxa uu inoo sheegay inuu ka soo baxsaday Alshabaab iyo inuu doonayo inuu isku dhiibo Dowladda Somalia” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmadda Marka.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Ninkaasi isku sheegay inuu yahay Muwaadin Maraykan ah.

Guddoomiyaha Degmadda Baraawe, mar wax laga weydiiyey qaabkii loo qabtay ninkaasi, waxa uu sheegay inay qabteen iyagoo ilaalo ku maraya Xeebta Baraawe.

Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay in Ninkaasi Ajnabiga ku wareejiyeen Ciiddanka AMISOM ee ku sugan magaalladda Marka, waxaana lagu hayaa Baaritaano dheeraad ah.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu aqoon u leeyahay Baraawe, sidaasina uu ku door biday inuu u soo goosto.

Waxa uu xusay in magaalladda Marka tahay meeshii ugu horreysay ee ay Alshabaab keenaan, markii uu ku soo biiray ee uu ka yimid dalkiisa hooyo.

Dhinaca kale, Muwaadinka Maraykan ah oo la safnaa Alshabaab ee isku soo dhiibay Maamulka Degmadda Baraawe ayaa waxa da’diisa lagu qiyaasay 33-jir, wuxuuna tilmaamay inuu baxsad yahay.

Hadalkan ayaa waxa uu soo baxay, iyadoo la sheegay inay Nin Suudaani oo ka tirsanaa Alshabaab la dilay, kadib, markii uu ku baaqay inay Alshabaab ku biiraan Isbahaysiga Kooxda Daacish.

Hoggaanka Sare ee Alshabaab waxay horey uga digeen in surka laga jarayo qofkii ku baaqa inay Alshabaab ku biiraan Kooxda Daacish, waxayna Madaxda Alshabaab ku adkeysanayaan inaysan ka go’I karin Ururka Alqaacida oo ay ku biireen sannadkii 2012-kii.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor