Bannaanbaxyo lagu dalbanayo in uu Is-casilo R/Wasaare Joseph Muscat oo socda

Kumanaan ruux oo ashtakoonaya ayaa isugu soo baxay ana hareeyay dhismaha Baarlamaanka dalka malta oo ku yaalla magaalada Valetta  ,kuwaas oo dalbanaya in uu iscasili W/wasaaraha dalkaasi,

R/wasaare Joseph Muscat ayaa maalinimadii shalay ka dhawajiyay in uu bisha Janaayo ee soo socota uu iska casili doono xilkaasi,ka dib caro badan oo dadku ay ka muujiyeen dil sanadkii 2017-dii loo geystay gabar wariye ah oo  lagu magacaabo Daphne Caruana Galizia.

Dadka bannaanbaxaya oo tiradooda lagu sheegay illaa 4-kun oo ruux ayaa hadda doonaya in uu R/wasaaruhu iscasilo,waxayna hareeyeen ama ay soo buux dhaafiyeen dhismaha Baarlamaanka.

Boliiska Malta ayaa su’aalo la xiriira dilka gabadhaasi Wariyaha ah weydiinaya Saraakiil iyo siyaasiyiin kale,ka dib kolkii dadweynaha ay caro ka muujiyeen qaabka uu u socdo baaritaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media