Guddoomiyaha Bangiga Masar ee “Banque Misrâ€, Mohamed Al-eterbi ayaa xaqiijiyey inuu Bangigiisu bilaabi doono sidii loo samayn lahaa Xafiis Wakiil uga ah Bangiga gudaha dalka Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray in Faraca Cusub uu kaalin ka qaadan doono Taageeradda iyo Xoojinta Iskaashiya, Dhaqaalaha  iyo Xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Somalia iyo Masar, iyo inuu Iskaashigaasi gacan ka geysan doono sidii loo tababari lahaa Shaqaalaha 6 Bangi oo ku yaalla Somalia.
Guddoomiyaha Bangiga Masar ee “Banque Misrâ€, Mohamed Al-eterbi waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Guddoomiyaha Bangiga Somali Prime Bank, C/casiis Axmed iyo Wafdi Ganacsato Somali ah kula kulmay magaalladda Qaahira.
Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Ku-xigeenka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Masar, Hisham Okasha iyo Muniir Al-zaahid.
©Radio Dalsan