Dadweynaha ku nool magaallooyinka Mpeketoni, Witu, Kiboni iyo Hindi oo ku yaalla Gbalka Xeebta ee dalka Kenya ayaa laga qaaday Bandow saarnaa muddo ka badan 10-bilood.
Maxkamadda Sare ee Jesiiradda Malindi ayaa ku dhawaaqday in la qaaday Bandowgaasi oo lagu soo rogay bishii July 20-dii ee sannadkii hore, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro ka geysteen Jesiiradda Laamu iyo Degaanadaasi, oo lagu dilay in ka badan 90-qof.
Weeraradaasi ayaa sababay in Ciiddamo xooggan la geeyo Deegaanadaasi, laguna soo rogo Bandow habeenkii ilaa Waaberiga hore soconayey.
Jesiiradda Laamu oo ay Alshababaab sannadkii hore weerareen ayaa waxaa horey Bandowga looga qaaday bishii December 25-dii ee sannadkii hore.