Bandhigga soo nooleeynta dhaqanka oo maanta lagu qabtay Muqdisho Iyo Tartan Dhex Maray Degmooyin “Sawirro”

Bandhiga soo nooleynta Farshaxanka,Ciyaaraha iyo Dhaqanka oo maalmahan ka socday Magaalada Muqdisho ayaa Ciyaar ka tirsan oo u dhaxaysay Degmooyinka Hodon iyo Shibis lagu qabtay Garoonka Wiish  ee Degmada C/casiis.

Waxaana ka qaybgalaya Degmooyinka  Hodon,Shibis,H/wadaag iyo Yaaqshiid, waxaana kulankii ugu horeeyay isku arkay Hodon iyo Shibis oo guushu ay raacday  Degmada Shibis 40-dhibcood halka degmada Hodan ay la timid 30-dhibcood.

Bandhigani ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha,wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda,Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olombikada,Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliya,ku simaha Agaasimaha Warbaahinta Qaranka, mas’uuliyiin ka socotay Degmada C/casiis ,iyo kan xiriirka kubadda Koleyga.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradu soo dhaweyneyso isdhexgalka dhalinyarada ee dhinaca ciyaaraha oo wax badan ka tari doonta ka hortaga tahriibka ,isticmaalka maandooriyaha qeybihiisa kale duwan,iyo Xagjirnimada.

bandhigani oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa beri waxaa ku tartami doona ciyaar ka tirsan bandhiga farshaxanka,dhaqanka, iyo ciyaaraha degmooyinka Howlwadaag iyo Yaaqshiid.

DSC00194 DSC00643 DSC00644 DSC00645 DSC00646 (1) DSC00646 DSC00647 DSC00650 DSC00657 DSC00660 DSC00661 DSC00670 DSC00672 vlcsnap-2015-05-22-18h12m11s121 vlcsnap-2015-05-22-18h14m24s140 vlcsnap-2015-05-22-18h14m46s115 vlcsnap-2015-05-22-18h17m05s213 vlcsnap-2015-05-22-18h17m47s124-300x225 vlcsnap-2015-05-22-18h19m36s181-300x169 vlcsnap-2015-05-22-18h20m11s21-300x169 vlcsnap-2015-05-22-18h20m22s135-300x169 vlcsnap-2015-05-22-18h20m31s223-300x169 (1) vlcsnap-2015-05-22-18h21m50s244-300x169 vlcsnap-2015-05-22-18h22m38s194-300x169 vlcsnap-2015-05-22-18h23m17s59-300x169

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor