Bandhig dhaqameed Hey’adda CCA ku qabtey Magaalada Muqdisho+SAWIRO

Bandhig dhaqameed loogu Magacdaray Habeenka Dhaqanka & Nabadda oo Muqdisho lagu qabtay.
Bandhig aad u balaaran oo loogu tala galey kor u qaadida, xoojinta Dhaqanka iyo Nabadda Soomaaliya ayaa habeenkii xaley ahaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho.
Barnaamij dhaqameedkaasi oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Wacyegelinta Bulshada ee “CCA” ayaa waxaa ka soo qaybgaley in ka badan  400 boqol oo ruux oo isugu jirey Wasiiro, Xildhibaano, Duubabka Dhaqanka, Maamulka Gobolka Banaadir, Qurbajoog, Dhalinyaro, Ardeyda Jaamacadaha  iyo marti sharaf kale oo lagu casuumey madashaasi, intii uu socday bandhigaasi waxaa lagu daawaday qaar ka mid ah cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka oo ay soo bandhigayeen kooxda folklore ka ee Hobbolada Waaberi.
Qaar ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Prof.  Maxamed Cilmi Tooxow, Abwaan Barre Sheekh Cabdullaahi Bangaladeesh, Qoraa sare Abdicasiis Xildhibaan,  Maareeye kuxigeenka Tiyaatarka Qaranka Cabdikariim Faarax Jiir ayaa si kala gooni gooni ah u soo jeediyey Mowduucyo ay kaga hadlayeen suugaanta Shiribka, Beeraleyda , Xoolaleyda iyo taariikhda Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka .
Bandhigaasi oo aad u xiiso badnaa ayaa qeyb waxaa ka ahaa Tartan aqooneed su’aalo ah oo lugu heleyey  abaal marino kala duwan, iyada oo abaal marinadi lagu heley tartankaasina ay ka mid ahaayeen kumbuyuutaro, Talafishino, Mobilelo, DVD playaro, Saacado,  dhar kala duwan, lacag iyo qaar kamid ah alaabta Hiddaha iyo Dhaqanka.

 Goobta lagu qabanayay bandhig dhaqameedka ayaa waxaa si aad ah loogu xardhay aqabka dhaqanka iyo boorar ay sawiro iyo halku dhigyo ku qornaayee, halku dhigyada waxa kamid ahaa, Aan u laabano dhaqankeena, Isdilka iyo isqarxinta dhaqankeena ma ahan, dhaqankeenu waa mid nabadeed iyo halku dhigyo kale.

Guddoomiyaha Heyadda Wacyegelinta Bulshadda ee CCA Maxamed Cajiib oo bandhigaasi ka hadleyey ayaa sheegey ujeedada ay xafladani u qabteen in ay tahay sidii Bulshada loo fahnsiin lahaa waxaa uu yahay Dhaqan, wuxuuna ku booriyey ka qaybgaleyaashii munaasabadaasi in uu qof waliba qeybtiisa ka qaato dhowrida dhaqanka soomaaliyeed, isagoo balan qaadey in uu barnaamijyada ceynkan oo kale ah ay hey’ada CCA halkaas ka sii wadi doonto.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi  Fara cade, Guddoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar , Gudoomiyaha dhalinyarada G/banaadir Makaraan iyo Guddoomiye kuxigeenka Ururka Midowga Ardayda Jaamacadaha soomaaliyeed Faadumo Cabdi Cali oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in ay soo dhaweyneyaan qabashada bandhigaasi, waxayna tilmaameen in ay ka codsaneyaan CCA in halkaasa laga sii ambaqaado Barnaamijyada noocan oo kale ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dalxiiska iyo Dhaqanka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiiru dowlaha Maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiir ku xigeenka Maaliayadda Maxamud Xayir Ibrahim  oo soo gebagebeeyey bandhigaasi ayaa sheegay in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin qabashada bandhigaasi, waxayna tilmaameen in ay lagama maarmaan tahay in la is xasuusiyo Dhaqanka ummadda Soomaaliyeed si bay yiraahdeen mar walba loogu baraarugsanaado qiimaha uu leeyahay Dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo halkaasi uga mahadnaqaya Hey’adda CCA oo soo agaasintey barnaamijkaasi.

Dhamaan bulshadii kala duwaneed ee ka qeyb galay bandhig dhaqameedka ayaa waxa ay si isku mid ah u tilmaameen in barnamijkan uu yahay mid dhaxal gal ah loogana baahan yahay  hey’ada CCA joogteyntiisa .

Bandhigaasi oo ahaa kii labaad oo ay CCA ku qabato magalada Muqdisho mudo sadex bilood gudaheed ayaa wuxuu si aad ah u soo jiitay isla markaana jecleystay dadkii ka qeybgaleyey barnamijkaasi, iyagoo ku tilmaamay habeenkii xaley ahaa in uu ahaa habeenkii guusha dhaqanka Soomaaliyeed.

SI AAD U HESHO MACLUUMAAD DHEERAAD AH AMA AAD UGA QEYB GASHO BARNAMIJYADA DAMBO LIKE DHEH PAGE-KA HEY”ADA CCA

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor