Banaanbax lagu taageerayo heshiiska Somalia la gashay Turkiga oo dhacay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kumanaan ka tirsan shacabka Caasimadda kala qeybgalay Banaanbax lagu taageerayay Heshiiska Iskaashiga Amniga iyo Dhaqaalaha Badda oo ay wada galeyn Dowladda Turkiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Banaanbaxaan ayaa ahaa mid shacabka Gobolka Banaadir ee Caasimadda Magaalada Muqdisho ay ugu Mahadcelinayeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxda iyo Xubanaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Ansixinta ay ansixiyeen heshiiskaasi.

Dibadbaxayaasha ayaa iyagoo wata boorar iyo Calamada Turkiya & Soomaaliya waxa ay socod kusoo mareen qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, iyagoona isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium, halkaasi oo ay kula hadleen Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

8-dii bishaan ayey wasiirrada gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Turkiga heshiiskaan ku kala saxiixdeen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana labo maalmood ka hor faafinta rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ku soo baxay heshiiskaas, kadib markii golayaasha dastuuriga ah ee ay ansixiyeen, Madaxweyne Xasan Sheekh-na uu saxiixay.

Turkigu waa saaxiibka dhow ee Soomaaliya, wuxuuna Itoobiya ugu hanjabay in dhulka Soomaaliya aysan imaa karin oo awood ciidan looga difaaci doono, kadib markii madaxweynaha Turkiga uu toos ula xiriiray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor