Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay Banaanbax lagu taageerayay dowladda fedraalka Soomaaliya waxaana kasoo qeybgalay dadweyne aad u fara badan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo.
Dibadbaxayaasha ayaa ku hadaaqayay erayo ka dhan ah dowladda Maraykanka oo maalma ka hor masuuliyiinta u fadhida golaha ammaanka ee QM ay su’aal ka keeneen ciidamada dowladdu ay geysay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Dibadbaxa ayaa intii uu socday waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda fedraalka oo hadalo ka jeediyay fagaaraha lagu qabanayay iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo sheegay in dowladda Kenya ay faragelin ay ku heyso arrimaha Siyaasadda ee dalka.
Banaanbaxa ayaa intii uu socdal waxaa lagu soo hadalqqaaday warkii dhawaad kasoo baxay Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter uu ku sheegay inay qalad aheyd Ciidankii Dowladdu geysay Gobolka Gedo.
Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa banaanbaxa ka sheegay in Shacabka Beled-Xaawo ay u diyaar garoobaan difaaca xaduudka Soomaaliya,isla markaana cidna aysan gorgortan kala geleen difaaca dalkooda.