Waxaa Maanta oo Arbaco ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga horjeeday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dowladdiisa.
Boqolaal qof oo isugu jiray Culimo, dhalinyaro, Haween iyo Ardayda wax ka barata dugsiyada Magaalada ayaa isugu soo baxay bartamaha Gaalkacyo, iyagoona ahaa kuwo aad uga careysan Madaxweyne Macron oo taageeray Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.
Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska iyo dowladdiisa, isla markaana dadka ahaayeen kuwa aad u muujinaya Jaceylka Rasuulka SCW, kuna dhawaaqayay Magaca Nebi Muxamed.
Sidoo kale qaar kamid dadkii dhigaayay banaanbaxa ayaa waddooyinka ku gubayay Sawiradda Madaxweyne Emmanuel Macron, waxaana goobta la isugu tegay Culimada ka jeediyeen Khudbado qiiro geliyay dadka, sidoo kalena muujinayay Jaceylka Nebiga.
Shalay ayay aheyd markii Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ee Somaliland lagu qabtay banaanbax ka dhan ah Maadxweynaha Fanankiisa iyo dowladdiisa, sidoo kalena halkaas lagu gubay Sawiradda Emmanuel Macron.
Dalal farabadan oo ka tirsan dunida Muslimka ayaa siweyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Emmanuel ee taageeray ugu muujiyay Ninkii la dilay ee Sawirka ka sameeyay Rasuulka SCW, waxaana dalalka Muslimka ka dhacay banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynahaas.