Badmaaxiinta Maraykanka ee lagu qabtay Badda Iiraan oo la sii daayey.

Dhamaan 10-kii Mariniska ayaa la sii daayey saacado kadib, markii ay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Iiraan ka soo qabteen Xuduud-baddeedka Iiraan.

Mariniska oo ka koobnaa 9 nin iyo haweeney ayaa lagu hayey Saldhig ay Ciiddanka Badda Iiraan ku leeyihiin Jesiiradda Farsi ee Gacanka Persia.

IRGC IRAN NAVYTaliyaha Ciiddanka Badda Iiraan,  Jeneral Cali Fadafi ayaa sheegay in la sii daayey Mariniska, kadib, markii la soo dhamaystiray baaritaanka lagu ogaanayey sababaha ay u soo galeen Badda Iiraan.

Waxa uu tilmaamay inay Mariniska raalli-gelin ka bixiyeen xad-gudubkooda, kadibna ay ka shiraacdeen Biyaha Iiraan.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa ka mahadceliyey tallaabadaa lagu sii daayey.

John Kerry waxa uu khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Iiraan, Mohamed Javad Shariif.

Dowladaha Maraykanka iyo Iiraan ma laha wax xiriir Diplomaasiyadeed, balse waxaa arrintan fududeeyey kadib, markii ay Quwadaha Adduunka bishii July isfaham ka gaareen Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.

Teeda kale, Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Iiraan u fududeysay Kiiska Mariniska, maadaama ay haatan ku furan yihiin Mowjado Siyaasadeed oo kaga yimid Dowladda Sacuudiga iyo Dowladaha kale ee Carabta.

MARINES 1

MARINES 2 MARINES333

WQ. Axmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor