Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la qaatay Mas’uul ku dhow Ahlusunna

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirkii hore ee Arimaha Guddaha Soomaaliya C/Samad Macalin maxamuud oo ah xubin siyaasad ahaan aad ugu dhow Ahlusunna Waljamaaca ee uu hogaamiyo Macalin Maxamuud Sh Xasan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Wasiir C/Samad oo maanta Dhuusamareeb tegay ayaa kala hadlay sidii Hogaanka Ahlusunna looga soo qayb galin lahaa Munaasabada Caleema-saarkiisa, kadibna looga tashan lahaa sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka iska jiray in mudo ah.

Madaxda Sare ee Galmudug ayaa wada da’daalo lagu xalinayo cabashooyinkii ka dhashay hanaankii loo maray Doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee uu ksoo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ay taageersan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Warar la helayo ayaa sheegaya in Dhuusamareeb ay tegi doonaan Musharaxiintii mucaarad sanaa Doorashadii Galmudug ka dhacday , gaar ahaan musharax Kamaal Guutaale oo ka mid ahaan Xubnihii diiday ka qayb galka doorashada, in kastoo uu aqbaley Doorashada Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media