Xildhibaanadda Labada Gole ee Barlamaanka dalkaasi kulan yeelan doonaan maalinta Isniinta ee soo socota, si ay u doortaan Madaxweynaha bedeli lahaa C/casiis Butafaliiq oo dhawaan iska casilay xilkaasi, kadib, markii ay dhaceen Dibadbaxyo looga soo horjeeday.
Wakaalladda Wararka dalkaasi ee APS News Agency ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Barlamaanka, C/qaadir Bin Salax oo 77 jir ah loo dooran doona Madaxweynaha Cusub, kaasi oo xilka hayn doono inta laga dooran doono Madaxweynaha rasmiga ee dalkaasi muddo 90 malamood gudaheeda.