Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kulan gaar ah isugu yeeray Xildhibaannada Baarlamaanka ee matala maamulka Jubbaland.
Kulankan oo uu madaxweynuhu ku tilmaamay shir wada-tashi muhiim ah ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Kismaayo, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulka Jubbaland.
Kulanka ayaa ah mid ka duwan shirarka caadiga ah, isagoo la filayo inuu noqdo madal lagu lafaguro arrimo door ah oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee Jubbaland. Waxaa xusid mudan in Axmed Madoobe uu ku casuumay xildhibaannada inay ka soo qeyb galaan shirkaasi 8-da bishan aynu ku jirno.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in kulanka uu yahay mid diiradda lagu saarayo khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo hoggaanka Axmed Madoobe.
Khilaafkan ayaa u muuqda mid salka ku haya is-mari-waaga ka dhashay isbeddelada siyaasadeed iyo xiriirka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Taasi waxaa barbar socday is-casilaado dhowaan ka dhacay qaar ka mid ah xubnaha ka soo jeeda Jubbaland ee ka tirsanaa xukuumadda, taasoo si weyn u saameysay xasiloonida siyaasadeed ee maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe.
Kulanka ayaa imanaya iyadoo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo soo jiitameysay, taas oo loo arko inay tahay fursad uu Axmed Madoobe ku xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo in la helo isfaham ku aaddan xal u helidda dhibaatooyinka jira.