Axmed Madoobe oo Isbedel ku sameeyay Taliska Hay’addaha Amniga Jubbaland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta xilka qaadis ku sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Hay’adaha amniga Maamulka Jubbaland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Jubbaland, ku-xigeenkiisa iyo Taliyaha guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Maamulkaas.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Taliyaha guud Ciidanka Booliska u magacaabay G/S Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku-xigeenkiisa laga dhigay S/G Maxamed Guuleed Xasan, iyagoona bedelaya Taliyeyaashii hore ee xilalkaas haayay.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa Taliyaha Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, waxaana dhammaan Ciidamada la faray inay la shaqeeyaan Taliyeyaasha cusub ee la magacaabay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Axmed Madoobe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor