Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo, Eedeyna u jeediyay Dowladda

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo, kadib markii maalmihii la soo dhaafay Safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan Bulshada.

Madaxweynaha Jubbaland oo warbaahinta ku la hadlay Garoonka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna intaas kadib ka hadlay Khilaafka  ka dhexeeya Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ku guul darraysatay isku wadidda siyaasadda dalka, isagoona sheegay in Jubbaland ay saartay Cunaqabateyn kala duwan.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in dadka reer Jubbaland marxalado kala duwan soo mareen muddooyinkii laso dhaafay, hayeeshee hadda ay xaaladdu marayso meel wanaagsan.

“ Soomaaliya maanta kugu san kugu san ayay meel ku tagi kartaa laakiin aniga iri meelna kuma tagayso” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Intii uu ku sugnaa Madaxweyne Axmed Madoobe Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa kulamo kala duwan uu kula qaatay qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliya, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sh Axmed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media