Axmed madoobe oo balan qaaday Dhisida garoomada ciyaaraha kismaayo + Sawiro

Maamulka ciyaaraha jubland ayaa kulan looga arinsanayay hormarinta ciyaaraha deegaanada maamulkaasi la qaatay madaxweyne Axmed maxamed islaam “ Axmed Madoobe .

Gudoomiyaha olompiqada G/jubada hoose Axmed Cabdi qeyliye “Sanka “ ayaa warbixin ka siiyay madaxweynaha juba land hormarada ciyaaraha jubaland .

Sido kale kulan ka ayaa waxaa ku sugnaa ciyaariyahano horay ugu soo ciyaaray gobalkaasi oo qaarkoodna hada ka mid ah Maamulka ciyaaraha J/hoose .

Madaxweynaha Maamulka Jubaland state Axmed Maxamed Islaam “ Axmed madoobe “ oo halkaasi kula hadalay gudiga ciyaaraha ayaa u balan qaaday in dib u dhis lagu sameyn doono garoonka waamo sida ugu dhaqsiyaha badana loo dhigi doona cowska Macmalka ah.

Waxaa kaloo sheegay in la dhisi doona garoonka kubada kolleyga ee Magaaalada Kismaayo .

Fadhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ciyaariyahanob   oo ka mid ahaa jekson oo horsed horay ugu soo ciyaaray.

Daawo Sawiradda:-17 23 01 32 42 52 92 72 62

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor