Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir usoo xiray degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta.
“Waxaan maanta Shir socday mudo afar casho ah usoo xiray Gudoomiyayaasha degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarineed ee JPLG†ayuu yiri Axmed Karaash.
Shirkan oo maalmo socday waxaa ka qeybgalay Maayarada degmooyinka, Isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG, Machadka Dowladdaha Hoose ee Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.