Askarigaasi oo ka shaqeynayey Saldhig Milliteri oo ku yaalla dalkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay weerar loo adeegsaday Mindi.
Xeer-ilaaliyaha Gobalka, Karen Gabrielian ayaa xaqiijiyey in Askarigaasi lagu dilay Bakhaar u dhow Saldhigga Milliteriga ee magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi ee  Gyumri.
Warbaahinta Gudaha waxay soo weriyeen in la xiray Eedeysanihii dilka geystay.
Wakaalladda Wararka Dowladda Raashiya ee RIA NOVOSTI ayaa sheegtay inuu baaritaanka hordhaca muujinayo inuu dilkaasi ka dhashay muran u dhexeeyey Askarta iyo Ninka wax dilay.
Sannadkii 2015-kii, xiisad ayaa ka dhalaty Joogitanka Milliteriga Raashiya ee magaalldda Gyumri, kadib, markii uu Askari Rashiyaan ah dilay 7 qof oo ka mid Qoysaska Deegaanka.
Askarigaasi waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’im.
©Radio Dalsan