Askari la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka ayaa duhurnimadii Maanta waxaa uu laba qof oo shacab ahaa ku dilay agagaarka Saybiyaano ee Degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir.
Goobjoogyaal ayaa Radio Dalsan u sheegay in Askariga uu rasaas dhowr ah ku dhuftay labada qof ee shacabka ahaa, isla markaana waxaa mid kamid ahaa wiil dhalinyaro ah, iyagoona halkaas ku geeriyooday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda iyo qaar kamid ah Ehelada dadka la dilay ayaa goobta uu falku ka dhacay ka qaaday Meydadka labada Marxuum, waxaana loo qaaday dhanka Xarunta Hay’adda CID-da.
Sidoo kale Askarigii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dadka uu dilay ku jiray wiil dhalinyaro ah oo lagu Magacaabi jiray Cabdishakuur Maxamed, isla markaana dhiganayay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa xiliyada qaarkood waxaa ay gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ay ku dilaan dadka shacabka ee aan waxba-galsan, iyagoona falalka kadib baxsada.