Askari Kenyan oo ay Alshabaab dileen 3 bilood ka hor oo haatan  la aasay.

Askarigaasi oo lagu magacaabi jirey Saytooti Kuronoi oo 37 jir ayaa lagu dilay weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku qaadeen Xero ay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Askarigaasi oo ahaa Dareewal kaxayn jirey Gawaarida Gaashaman ee Ciiddamadda ayaa la sheegay inuu si xun u gubtay, laguna dhibtooday in la aqoonsado Haybtiisa, iyadoo maydkaasi muddo yiillay Isbitaalka Ciiddanka Kenya.

Wargeyska The Standard ayaa qoray in isbuucii hore la aqoonsaday maydka, kadib, markii qoyskiisa laga qaaday ilaa 7 jeer Dheecaanka Hiddo-sidaha ee DNA-da si loo aqoonsado inay ehel wadaag yihiin.

Saytooti Kuronoi oo  muddo 13 sanno ka tirsanaa Milliteriga Kenya ayaa lagu aasay Tuulladda uu ka soo jeedo, iyadoo 21-madfac loo riday Aaskiisa.

Dhinaca kale, Milliteriga Kenya waxay sheegaan in Weerarkii Ceel-cadde looga dilay 80-Askari, inkastoo ay Xarakadda Alshabaab sheegeen inay in ka badan 100 Askar Kenyan ku dileen weerarkaasi, isla markaana ay tiro kale Maxaabiis ahaan u qabteen.

Weerarkii Ceel-cadde ayaa la sheegay inuu ahaa Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Ciiddanka Kenya soo gaar tan iyo markii ay gudaha u soo galeen Somalia bishii October 16-da ee sannadkii 2011-kii.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor