Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxa kooxo hubeysan ay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa la sheegay in Askariga oo ka tirsanaa Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ay ku dileen Xaafada Daahisoy ee degmada Afgooye kaas oo lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed Nuunow.
Askarigaan ayaa qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay sheegeen in uu ka mid ahaa Ciidamada ka howlgalla Muqdisho balse halkaasi booqasho ku tegay.
Dilka ka dib ayaa waxa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya kuwaas Goobta ka qaaday Meydka Askariga, iyaga oo sidoo kale sameeyay howlgal aan weli dad lagu qaban.
Dhanka kale Dalsan ayaa xiriir l sameysay Maamulka degmada fgooye si aan wax uga weeydiino dilka Askarigaas balse kama jawaabin taleefoonadeena.