Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo xalay gudaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.
Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Daarta Seybiyano ee Degmada Hodan,isla markaana waxaa loo geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa oo xiligaas mootadii uu waday ay saarneyd Haweeney la sheegay in ay Fool aheyd,taasi oo loo watay Isbitaal si ay ugu soo dhasho.
Hayeeshee Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa dilay Darawalkii,waxaana Meydka Marxuumka iyo Haweeyneyda Foosha aheyd la dhigay Isbitaalka Madiina oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in askarigii ka dambeeyay falkaas dilka ah ay u suura gashay in goobta uu ka baxsado,
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogto ka ah dilalka loo geysanayo Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta,iyadoo dhawaan sidaan oo kale askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Tarabuunka,hayeeshee markii dambe laamaha amniga dowladda ayaa gacanta ku dhigay oo xabsiga dhigay.