Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka ayaa Maanta oo sabti ah shaaciyay in laamaha amniga ay gacanta kusoo dhigeen Askari ka tirsan Booliska oo 8-sanno kahor Dil ka geystay Magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Askariga la qabtay uu 8-sanno kahor laba ruux oo Haween ahaa uu ku dilay Xaafad ka tirsan Degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir.
Sababta uu u dilay labada Marxuum ee haweenka ahaa ayuu Taliska Booliska ku sheegay inay tahay, kadib markii Askariga haweenka uu weydiistay lacag yar, hayeeshee dalabkiisa ay ka diideen, isagoona sidaas ku dilay 3-dii May 2012.
Ugu dambeyn Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Askarigaas Cadaalada la horgeyn doono, iyagoona sheegay in laamaha amniga dowladda ay gacanta kusoo dhigi doonaan Qof kasta oo faldanbiyeed geysta,,.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Taliska Booliska Dowladda
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa gacanta ku Soo dhigay askari ka tirsanaa Ciidanka Boliiska oo 8 sanno ka hor Degmada Kaaraan dil ugu geysatay 2 Marxuumiin oo dumar #Uur leh ahaa.
3/May/2012, ayuu Abshir Cabdulaahi Baseey (Abshir Dheere) wuxuu dilay Marxuumiinta kala ah;- Nimco Xasan Cali iyo Dahabo Calasow Axmed, sababta dilka ayaa ahaa cadad lacag aad u yar oo uu ka doonayay.
Qof kasta oo faldanbiyeed gala Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gacan ayuu ku Soo dhigidoonaa Cadaaladana wuu dhadhamindoonaa, isaga oo kasoo hor muuqandoonaa Maxkamada Awooda u leh.