4 ka tirsanaa ciiddankaasi ayaa lagu dilay weerar shalay ka dhacay magaalladda Xudeydah ee dalka Yemen, sida ay shaacisay Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM.
Ciiddanka Imaaraadka waxay ka mid yihiin Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga ee shalay dagaalka ku qaaday magaalladad Xudeydah oo 150 KM dhanka K/galbeed kaga toosan Caasimadda dalak Yemen ee Sanca.
Bishii September ee sannadkii 2015-kii, 45 Askar u dhalatay Imaaaraadka ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Yemen.
Dhinaca kale, Ciiddanka Dowladda Yemen oo taageero ka helaya Ciiddamo ka kala socday Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Degmadda Nekhayla oo ku taalla Koonfurta dalkaasi,