Askar u dhalatay dalka Baxrayn oo la dilay iyo qaar kale oo la dhaawacay

Wakaallada Wararka dalka Baxrayn ee BNA ayaa sheegtay in 2 Askari la dilay, dhowr kalena lagu dhaawacay Duqeyn ay Diyaaradaha Darooniska ka geysteen Koonfurta dalka Sacuudiga.

Kooxda Hubeysan ee Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay geysteen Weerarkaasi lagu dilay Askarta Baxrayn ee qeybta ka ahaa Isbahaysiga Milliteri ee Hawlgallada Sacuudiga ee Yemen.

Labada Askari ee u dhashay dalka Baxrayn ee la  dilay ayaa kala ahaa Sarkaal iyo Askari darajo hoose ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor