Ilo Deegaanka ayaa sheegay inay 3 Askari oo ka tirsan Milliteriga dalkaasi ku geeriyoodeen qarax miino oo la dhigay Waddo ku taalla duleedka Degmadda Bani Saad ee Gobalka Diyaala ee Bariga dalkaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari Ciiddanj oo marayey Tuullo 25 KM dhanka Koonfur kaga beegan Caasimadda Gobalkaasi ee Bacquuba.
Duqa magaalladaasi, Najam Al-Sacaadi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee Shinhuwa (XINHUA) ayaa sheegay inuu Qaraxaasi burburiyey Gaarigii Milliteri, iyadoo ay saddexdii Askari ee la socday Gaarigaasi ay wada geeriyooden.
Maleeshiyada Kooxda Daacish ee ka hawlgala Gobalkaasi ayaa lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen Qaraxaasi.
Xaalladda Ammaanka ee dalka Iraq waxa uu muuqdaa inuu soo hagaagay, tan iyo markii ay Ciiddanka Iraq si buuxda ugu itaal sheegteen Kooxda Daacish dabayaaqadii sanadkii 2017-kii.