Askar ka tirsan Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM oo dib ugu laabtay dalkooda

Ciiddamadaasi oo dib ugu laabanaya dalkooda Hooyo  ayaa la siiyey Abaalmarintaasi kaalinta ay ka qaateen Taageerida Hawlgalladda Nabadda ee Geeska Afrika.

Ciiddankaasi oo ah Kooxdii 18-aad ee Askarta Uganda waxaa Abaalmarintaasi u wda xiray Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika u jooga Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira.

Waxa uu Dowladda Uganda uga mahad celiyey Ciiddamadda ay u soo daad-gureeyeen Somalia 10-kii sanno ee la soo dhaafay si ay taageero uga geystaan Deganaanshaha omalia.

Uganda waxaa haatan Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, kuwaasi oo ay hawshooda tahay Ilaalinta Hay’addaha Dowladda ee muhiimka ah oo ay ku jiraan Madaxtooyadda, Xarunta Barlamaanka, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media