munaasibad lagu maamuusayay qalinjabinta dufcadii afaraad ee ka aflaxda dugsiga xifdinta qur aanka kariimka iyo culuunta shareecada islaamka ayaa lagu qabtay xarunta dugsigaasi ee degmada yaaqshiid magaalada muqdisho
tobankan arday oo kala ahaa 5wiil iyo 5gabdhood ayaa waxaa munaasibada lagudaahfuray aayaadka qur aanka kariimka waxaana kadib hadalkii qaatay maamulaha guud ee dugsiga almambac macalim bashiir faarax cadow oo faah faahin kabixiyay dadaalka uu usoogalay sidii ardaydani ay uga mira dhalin lahaayeen waxbarashadooda
muxudiin cumar shaaweey ookamid ah waalidiinta ardayda ayaa isna madasha kahadlay waxana uu kudheeraaday dadaalka macalinka iyo juhdiga uu galiyay ardayda isagoo tilmaamay in uu leeyahay xushmad gaar ah
ardayda ayaa waxa aysoo bandhigeen tartamo laxiriira qaar kamid ah kutubta culuunta islaamka iyo sida ay barteen ama uxifdiyeen qur aanka kariimka
ugudambeyntiina waxaa macalim bashiir uu gudoonsiiyay ardaydii dhameysatay barashada qur aanka hadiyado qaali ah oo uu kudhiirigalinayay ardaydiisa taas oo ay aad ugu farxeen waalidiintooda iyo iyaguba.