Sida saakayto lagu soo daabacay Wargeyska ugu akhriska badan Uganda ee The Monitor, waxay Ciiddanka Boliska adkeeyeen Ammaanka Bariga dalkaasi iyo Xarumaha muhiimka, iyadoo ay soo baxeen Digniino sheegayo inay Alshabaab qorsheynayaan inay weerar ka geystaan Degmadda Mabale.


Waxay intaasi ku dartay in Ciiddamo badan loo daad-gureeyey si loo xoojiyo Ammaanka Guud ee Degmadda Mbale iyo Baraha Xuduudka ee Suam, Amudat, Malaba, Busia iyo Lwakhakha.
Dhinaca kale, Ku-xigeenka Taliyaha Boliska Gobalka ee Aagga Elgon, Peter Sirikye ahaa isagana sheegay in Hawlgalo Wadajir oo ay la leeyihiin Hay’addaha Ammaanka, si looga hortago cabsi kasta oo soo wajahda Dadka Reer Uganda.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’addaha Ammaanka Uganda waxay dhowr jeer ka digeen weeraro ay Alshabaab ka geystaan gudaha Uganda, iyadoo Alshabaab horey falal Isqarxin ah ka geysteen caasimadda dalka Uganda ee Kampala bishii July 12-dii ee sannadkii 2010-kii, laguna dilay ugu yaraan 74 qof oo ka mid ahaa dadweyne fara badan oo daawanaysay Ciyaartii Finalka ee Koobka K/cagta ee Adduunka oo dhex martay Xulalka Spain iyo Holland.
@Radio Dalsan