Qoraal maanta lagu soo daabacay Websaytka Taliska Hawlgalka AMISOM, uuna ku saxiixnaa Afhayeenka AMISOM, G/sare Joe Kibet ayaa sheegay inay baarayaan Shilkaasi oo shalay ka dhacay Wadadada KM4 ee magaalladda Muqdisho.
Qoraalka aya lagu sheegay in warbixino hordhac ah sheegayaan in Haweeneyda ku geeriyootay shilkaasi ay ku socotay Marsha-biyeediga, balse ay si kedis ah isugu dayday inay ka dhex gudubtay Kolonyadii Gaadiidka Boliska AMISOM ee halkaasi marayey.
Qoraalka waxa kaloo lagu sheegay in nasiib-xumo ku geeriyootay Haweeneydii uu Gariga AMISOM jiiray, sida ay xaqiijiyeen Xarunt Boliska Traafikdda ee Gobalka Banaadir.
Dhinca kale, Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay shilkaasi, wuxuuna tacsi u diray Qoyska Marxuumadda ku geeriyootay Shilkaasi.
©Radio Dalsan