Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa xalay ka bilowday howlgal ballaaran oo Ariga looga saarayo xaafadaha Magaaladaas, lana geeynayo meel ka baxsan Caasimadda.
Duqa Magaalada Garoowe ee Puntland Axmed Saciid Muuse ( Axmed Barre) ayaa dhawaan amar ku bixiyay in Ariga laga saaro xaafadaha Magaalada, xili Ariga habeenkii darbiyada ku hoyan jiray.
Howlgalka Ariga looga saarayo gudaha Magaalada ayaa waxaa fuliyay Ciidanka Booliska Puntland, waxaana Sawirro la qaaday lagu arkayay Ciidanka oo Ari farabadan banaanka uga saarayay Garoowe.
Axmed Saciid Muuse ( Axmed Barre) ayaa Ciidanka Booliska uga mahadceliyay fulinta amarkii uu saaray, isla markaana sheegay in howlgalkaas bilowday uu yahay mid sii socon doono, si loo horumariyo bilicda Caasimadda Puntland.