Alshabaab oo xalay tobaneeyo Kenyaan ku dilay Mandera+Sawirro

13 shaqaale kenyaan dhagxaanta qoda iyo haweeney ayaa ku geeriyooday  weerar iyo qraaxyo xalay ay Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab saqdii dhexe ee xalay ku qaadeen Xaafadda Barwaaqo ee Degmaadda Mandera.

Taliyaha Gobalka Mandera, Alekis Ole Nakoyo ayaa maanta sheegay inay Alshabaab beegsadeen guri ay hurdayeen shaqaale Kenyaan oo ka mid ah xoogsatada ka shaqeysta Kaawooyinka Dhagaxa.

Waxa uu intaasi ku daray inay miino ku qarxiyeen guriga, kadibna ay tacshiirado ku fureen guriga ay Shaqaalahaasi hurdayeen.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Boliska Kenya, Joseph Boinet ayaa sheegay inuu xaqiijin karo inay Alshabaab geysteen weerarkaasi.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu ku sheegay inay 14 qof ku geeriyootay weerarkaasi, iyadoo 11 kalena ku dhaawacmeen.
2(1) 3(1) 33333

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor