Xarakadda Alshabaab ayaa waxay barqanimaddii maanta duleedka Degmadda Jilib ee Gobalka J/dhexe ku soo bandhigeen tiro ka mid ah Askartii Kenyanka ee Jimcihii hore lagu qabtay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Saraakiisha Alshabaab waxay kaloo soo bandhigeen gaadiid iyo hub ay ku soo qabsadeen Weerarkii ay Jimcihii ku qaadeen Saldhigii Aaksrta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde.
Boqolaal dadweyne oo ku nool  Degmadda Jilib iyo Tuullooyinka ku hareeraysan ayaa isugu yimid Fagaaraha lagu soo bandhigay Askartaasi oo tiradooda lagu qiyaasay Kontameeyo.
Dhinaca kale, Ciiddamo Kenyaan ah ayaa waxay maanta dib ula wareegeen Saldhigii Ceel-cadde ee ay Alshabaab Jimcihii hore kala wareegeen Ciiddaanka Kenya, kadib, markii uu dhacay dagaal loogu itaal sheegtay Askaartaasi.
Ciiddanka Kenyanka lama aysan kulmin wax iska caabin ah, iyadoo aysan wax dad ah joogin Ceel-cadde.
Dadkii rayidka ee ku noolaa Ceel-cadde waxay u firxadeen Tuullooyinka iyo dhulka Hawdka, si aysan khasaaro kala kulmin Duqeymaha ay Diyaaradaha Kenya ku hayaan Nawaaxiga Ceel-cadde.
© Radio Dalsan      Â