Sida ay baahiyen warbaahinta Al Shabab waxaa shalay goob fagaaraha oo ku yaala Buulo Fuulaay ee gobolka Baay lagu toogtay afar nin oo ay Shabaabka ku eedeyen iney sirdoon ama jawaasiis u ahaayen hey’adaha sirdoonka Mareykanka iyo Kenya.
Dadka ay Al Shabab dileen waxa kamid ah Maxamed Aadan Nuur Xasan oo ah 26 sano jir lagu eedeyay inuu lug ku lahaa duqeyntii Mareykanka uu ku dilay Hogaamiyihii hore ee Al Shabab Axmed Cabdi Godane.
Sido kale dadka la toogtay waxa kamid ahaa Muxudiin Hiraab Axmed 27 sanno jir ah oo isaga lagu eedeyay inuu bixiyay xogtii lagu dilay Adan Garaar oo soo abaabulay weerarkii xarunta ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi,Xasan Diiriye Cismaan 42 sanno jir ah iyo Xuseen Nuunow Nageeye oo jira 36 sanno.
Dhamaan raggan la dilay waxa lagu eedeyay dacwad ah iney basaas u ahaayen hey’adaha sirdoonka ee dalalka Mareykanka iyo Kenya.