Al Shabab oo Ku Hanjabtay Weeraro Kale oo Ay Kenya Ka Fuliso

War Saxafadeed ka soo Baxay Xarakadda Al Shabab oo ka kooban Laba Bog ayaa looga hadlay Weerarkii Khamiistii ay ku qaadeen Jaamacada Garissa Ee Waqooy-Bari Dalka Kenya.

Warkasi waxa lagu sheegay in Xarakadda ay Weli Weeraro kale ka fulineyso Dalka Kenya oo ay Ciidamo kaga sugan Yihiin Dalka Soomaaliya.

Afar Dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabab ayaa Khamiistii ku dilay Magaaladda Garissa dad gaaraya 147 ruux oo arday u badnaa.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor