Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe waxaa ay xukun kula fuliyeen Nin lagu helay inuu fal kufsi ah u geystay Gabar kamid ah dadka deegaanka Saakoow.
Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu keentay Goob fagaaro ah iyaga oo daawanayay xukun Karbaash ah oo lagu fuliyay Xasan Mukhtaar oo ahaa Wiilka kufsaday Gabadha oo lagu magacaabo Ooreey Kaahiye Caalaan oo 22 sana jir ah.
Sidoo kale Eedeeysane Xasan Mukhtaar ayaa qirtay in marka hore uu tooreey ku dhuftay Ooreey Kaahiye Caalaan kadina kula kacay fal kufsi ah, waxaana Xasan lagu fuliyay xukun 100 Karbaash ah.
Eedeysanaye Xasan ayaa waxaa sidoo kale lagu xukumay hal sano musaafuris ah iyo in uu bixiyo qaalin geel ah oo ah Meherka gabadha uu ku xadgudbay maadaama uusan horay guur usoo marin.
Al-shabaab ayaa dhawaan xukun karbaash ah ku fulisay Wiil iyo Gabar ku kacay fal zino ah, waxaana Al-shabaab ay sheegeen in xukunkaas uu ka dhacay meel kamid ah Gobolka Banaadir.