Al-Shabaab ayaa Oday Da’ah dhagax ku dilay  qeybo kamid ah qeybo kamid ah gobolka Baay kaas oo ay ku eedeeyeen in uu ku kacay fal Zino ah islamarkaana uu kufsaday Gabar Da’yar sida ay sheegeen Saraakiisha Al-Shabaab.
Goob fagaaro ah oo ku taalla Deegaanka Raama-Cadeey ee Gobolka Baay ayaa waxaa isugu soo baxay Boqolaal Dadweyne ah kuwaas oo daawanayay qabka uu u dhacayay Xukunka dilka ah ee lagu riday Dhaayow Muxamed Xasan oo 44 sana jir ah sida ay Go’aamisay Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolada baay iyo Bakool.
Gudoomiyaha Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolada baay iyo Bakool oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ninkaan Odayga ah uu lahaa laba Xaas islamarkaana uu afkiisa ku qirtay in uu kufsaday Gabadhaas.
Al-Shabaab ayaa dhowr mar falal noocan oo kale ah ka geestay degmooyinka ay ka joogaan Gobolada dalka Somaaliya iyagoo ku fuliyay dad ay waxyaabo kala duwan ku soo eedeeyeen.