Al-Shabaab oo xalay weeraray Saldhiga Ciidamada Kenya ee Kulbiyoow

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar Culus waxa ay ku qaadeen fariisin Ciidamada dowladda kenya oo kamid ah Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa marka hore ku bilaawday Ismiidaamin Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa Xeradaas Al-Shabaab ku weerareen waxana halkaasi ka bilaawday dagaal socday mudo lagu qiyaasay Saacad iyo wax ka badan.

Weli macada khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxase xusid mudan in Al-Shabaab ay Xeradaas tiro Sadax jeer ah ay xalay weerareen Fariisinka Ciidamada dowladda kenya ay deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayan in iminka xaaladu ay tahay mid degan islamarkaana Isgaarsiintii deegaanka kulbiyow ay Go’an tahay,xiriir aan la sameynay Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland oo Kismaayo ku sugan ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino weerarkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media