Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug gaar ahaan tuulada Sabeeno gawrac ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka iyo Al-shabaab.
Dadka deegaanka Bacaadweyne ayaa soo weriyay in Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen tuulada Sabeeno gawrac oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo saakay halkaas qabsaday.
Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsadaaan dagaalka ka socda, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayaan dhawaqa rasaas labada dhinac ay isdhaafsanayaan, isla markaana dagaalka uu yahay mid Culus.
Weli si dhab ah looma khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda tuulada Sabeeno gawrac oo hoostegta deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, iyadoona saacadaha soo socda ay kala hadli doonaan dhinacyada.
Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa saakay la wareegay gacan ku heynta deegaanada kala ah Bacaadweyn, tuulada Qaycad, Sabeena gawrac iyo deegaano kale oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Si kastaba Al-shabaab ayaa horey ula wareegay degaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo in muddo ah ay heystaan, waxaana dhowr jeer dhacay weeraro ay ku qaadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidanka qeybta 21-aad, iyadoona weerarkii ugu dambeeyay ku qaaday degaanka Wisil.