Duhurnimadii Maanta qarax loo adeeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ka halka loo yaqaano Boodboodka ee ku taalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxaas ayaa waxaa lala eegtay Shaqaale Turki ah oo dhisayay wadada isku xirta Degmada Afgooye iyo Muqdisho iyo Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Soomaaliya oo ilaalo u ahaa Turkiga.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa siweyn looga maqlay inta bbadan xaafadaha Afgooye, waxaana la sheegay in dadka waxyeelada soo gaartay ay ku jiraan dad shacab ah.
Ugu yaraan Saddex kamid ah Shaqaalaha Turkiga, Ciidamo Boolis ah iyo dad shacab ah ayaa waxaa ku dhaawacmay qaraxaas Ismiidaaminta ahaa, halka dad kalena ay ku dhinteen, In kastoo weli tiradooda aan la shaacin.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada qaraxa, iyagoona sheegay inay ku dhaawaceen ilaa iyo 4 kamid ah Shaqaalaha Tukiga iyo Ciidamo ka tirsan dowladda.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaii ka dhacay gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Waa markii labaad oo qarax weyn Al-shabaab la eegtan shaqaalaha Turkiga, iyagoona horey 28-kii December 2019 sidaan oo kale Shaqaalaha Turkiga qarax kula eegteen Ex-koontarool Afgooye, waxaana qaraxaas ku dhintay in ka badan 100 ruux oo u badnaa dad shacab ah.