Al Shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacay Degmada Baraawe Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Wararka aan ka heleno Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi Al Shabaab maanta ay madaafiic ay ku garaaceen ,waxaana madaafiicdaasi ay sababtay Khasaaro kala duwan.

Mdaafiicda Al Shabaab ay ku garaaceen Degmada Baraawe ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaceen maqaaday ku taala guda Degmada,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyio dhaawac oo soo gaaray dad shacab ahaa oo fadhiyay goobta ay madaafiicda ku dhaceen.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay halka tiro kale dhaawac uu ka soo garaay Madaafiicda,waxaana la sheegay in goobta madaafiicda ay ku dhaceen ay gaaren Ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al Shabaab ayaa dhawaan weerar madaafiic ah ku weeraray dekedda Degmad Baraawe, waxaana Weerarkasi Khasaaro oo ka soo gaaray markab ay lahaayeen Ciidamada AMISOM ee ku suga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor