Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab ay saaaka aroortii hore la wareegeen degaanno ka tirsdan Gobolkaasi.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Al-shabaab ay dagaal la’aan kula wareegeen tuulada Af-Cagaag oo qiyaastii 16km u jirta degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana la helayaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan arrintaasi.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in degaanka ay ku sugan yihiin Al-shabaab, waxaana horay isaga baxay Cidamada Galmudug oo halkaas ku sugnaa.
Wli maamulka Gakmudug iyo laamaha amniga Gobolka Galgaduud wax war ah kama soo saarin arrintaasi ku aaddan in Al-shabaab ay la wareegeen tuulada Af-Cagaag oo qiyaastii 16km u jirta degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.