Dhawaan War kasoo baxay Maamulka degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu amray Xaasaska Al-Shabaab inay isaga baxaan degmadaas,hayeeshee taasi ay dhibaato ku noqotay Shacabka degmadaas.
Wararka Radio Dalsan uu ka helayo degmada Balad-Xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay Go’doomiyeen degmada Balad-Xaawo,iyaga oo uga jawaabaya amarkii kasoo Maamulka degmada Balad-Xaawo.
Al-Shabaab ayaa ku sugan tuulooyin hoostaga degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo Maamulka Jubbaland,waxaana dhawaan soo baxday inay ku hanjabeen go’doomintaas balse ugu dambeyn ay saareen.
Dad ku sugan Balad-Xaawo oo qaarkood nala soo xiriiray ayaa sheegay in durba Go’doomintaas ay dareemeen,isla markaana ay Al-Shabaab diideen in Magalada la soo geliyo waxyaabaha muhiimka u ah Bulshada.
Xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Balad-Xaawo ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino Go’doomintaas ay saareen Al-Shabaab..